Marakaynka Oo Heshiis Deyn Cafin Ah La Saxiixday Soomaaliya

Published: September 27, 2020

Dowladaha Marakaykan-ka iyo Soomaaliya ayaa maanta kala saxiixday heshiis cusub oo deyn-cafin ah kaas oo quseeya seddex hay’adood oo maraykanka oo kamid ah naadiga Paris.

Heshiiskan ayaa waxa kala saxiixday safiirka Marakanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto iyo siihayaha wasiirka maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, waxaana goob joog ahaa raysal wasaaraha cusub ee xukuumada dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Dowlada Maraykanka ayaa Soomaaliya ka cafisay lacag dhan 1.4 Bilyan taas oo kamid ah deymihii ay Soomaaliya ku lahaayeen dalalka Paris Club.

Qoraal kasoo baxay safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in deyn cafinta suuragelisay Soomaaliya oo hirgalisay dib u habeyn dhaqaale oo muhiim ah.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *