Maraykanka askartiisa kala baxaya dalka GERMANY

Published: July 30, 2020

Xukuumada Trump ayaa Arbacadii shalay shaacisay in ciidamadooda ku sugan dalka Germany halkaasi laga rari doono.

Wasaarada Gaashaandhiga ayaa sheegtay in askar gaareysa 12.000 laga rari doono saldhigyadii ay ku lahaayeen wadanka Jarmalka.

Militariga Maraykanka ayaa saldhigoodii ugu weynaa ee ku yaalay Stuttgart (Germany) u wareejin doona dalka Belguim.

Go’aankan ayaa muujinaya heerka uu gaaray xiriirka Xukuumada Trump la leedahay xulafadooda Midowga Yurub gaar ahaan wadanka Germany.

In badan oo kamid ah Xildhibaanada Maraykanka ee labada xisbi ee dalkaasi ayaa go’aankan kasoo horjeeda iyagoo sheegaya in tilaabadan ay xoojin doonto dhaq dhaqaaqa militari ee uu Ruushka culeyska ku saarayo wadamada Yurub.

Donald Trump, Madaxweynaha Maraykanka ayaa marar badan dalalka kamid ah Isbaheysiga Nato gaar ahaan kuwa tujaarta ah sida Germany aysan bixin qeybtooda dhaqaalaha ku baxa NATO.

Horseed Media  

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *