Maraykanka ayaa Eritrea ugu baaqay inay ciidamadooda kala baxaan gobalka Tigray

Published: January 28, 2021

War kasoo baxay Wasaarada Arrimaha Dibada ee Maraykanka ayaa lagu sheegay in xukuumada cusub ee Maraykanka ugu baaqeyso dowlada Eritrea inay ciidamadeeda kala baxdo gobalka Tigray ee waqooyiga dalka Itoobiya.

Qoraalka kasoo baxay Wasaaradda ayaa sidoo kale lagu sheegay in la doonayo in baaritaan lagu sameeyo wararka kasoo baxaya gobalka Tigrayga ee sheegaya gaboodfalada iyo danbiyada ciidamada Eritrea ka geysteen gobalkaasi sida kufsiga, dhaca iyo dilka.

Xukuumada cusub ee Maraykanka ayaa u muuqata mid si weyn uga duwan siyaasada xukuumadii ka horeysay ee Donald Trump oo isagu xiligii uu socday dagaalka Tigray amaan u jeediyey Dowlada Eritrea oo uu sheegay inay is xakameysay.

Maamulka Biden ayaa dhinaca kale sheegay in loo baahan yahay baaritaan in lagu sameeyo falalkii ka dhacay ismaamulka Tigray tan iyo markii uu bilowday dagaalkii xukuumada Federaalka ee Itoobiya oo kaashaneysa xulafadeeda ku qaadeen gobalkaasi bishii November 2020.

Ciidamada Eritrea ayaa sidoo kale lagu eedeeyey in ay wadaan baro-kicin qaxootigii horey uga soo cararay Eritrea ee ku noolaa xeryaha qaxootiga ee gobalka Tigray, dadkaasi oo ay ku khasbayaan in dib loogu celiyo dalka Eritrea.

Xog rasmi ah lagama hayo tiradda ciidamada Eritrea ee ku sugan gobalka Tigrayga, xili ay soo baxayeen asbuucyadii lasoo dhaafay in ciidamo kasoo jeeda Soomaaliya oo tababar loogeeyey Eritrea kamid ahaayeen askartii ka dagaalantay gobalka Tigrayga.

Maxamed Cismaan
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *