Mareykanka, France iyo UK oo qaadacay Qaraarkii Gaza ee uu Ruushka horgeeyey Golaha Amaanka

Published: October 17, 2023

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa xalay ku guuldareystay inay meel mariyaan qaraar uu soo jeediyay Ruushka oo ku baaqayay xabbad-joojin bini’aadannimo oo ka dhacda Gaza.

Qaraarkan qabyada ah ee uu Ruushku hormuudka ka yahay ayaa helay shan cod oo kala ah (China, Gabon, Mozambique, Russia, iyo Imaaraadka Carabta) halka afar ay ka soo horjeesteen (France, Japan, United Kingdom, iyo Maraykanka), lixna way ka aamuseen (Albania, Brazil, Ecuador, Ghana, Malta, iyo Switzerland).

Goluhu si uu go’aan u gaaro, soo jeedintu waa in ay heshaa ugu yaraan sagaal cod, iyada oo aan mid ka mid ah shantiisa xubnood ee joogtada ahi ka soo horjeedin ama diidin diidmada qayaxan (VETO).

Qoraalka qabyada ah ayaa ku baaqay xabbad-joojin bini’aadantinimo, sii daynta dhammaan la haystayaasha, helitaanka gargaarka, iyo daad-gureynta dadka rayidka ah.

Vassily Nebenzia, oo ah wakiilka joogtada ah ee Ruushka u jooga Qaramada Midoobay ayaa muujiyay sida uu uga xun yahay go’aanka Golaha Ammaanka ee uu ku guuldareystay inuu meelmariyo qaraarka, isagoo ku eedeeyay “Daneysiga reer galbeedka.”

Waxa uu sheegay in wufuudda wadamada reer galbeedku ku tunteen rajadii iyo dadaalkii caalamiga ahaa ee goluhu ku joojin karay dagaalka.

Horseed Media