Maraykanka iyo kooxda Daalibaan oo heshiis kala saxiixday.

Published: February 29, 2020

Dowlada Maraykanka iyo kooxda ka dhisan dalka Afghanistan ee Daalibaan ayaa Dalka Qadar heshiis ku gaaray kadib wadahado socday bilihii la soo dhaafay. Heshiiskan ayaa dhigaya in ciidamada shisheeye ay ka baxaan dalka Afghanistan 14-ka bilood taas oo ka mdi ahayd shuruudihii ugu waaweynaa ee Daalibaan ay ku doodayeen.

Ergayga wadaxaajoodka ee Mareykanda Zalmay Khalilzad iyo madaxa siyaasadda ee Taliban Mullah Abdul Ghani Baradar ayaa si rasmi heshiiskaan qalinka ugu duubay Dawlada Maraykanka ayaana sheegtay in 18 bilood gudahood ay ciidamadooda kula baxayaa.

Waxaa goobjoog ka ahaa munaasabada saxiixa heshiiska Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Mike Pompeo. Dhinaca kale waxaa magaalada Kabul ee caasimada dalka Afghanistan gaaray wafdi uu horkacayo Xoghayaha Difaaca Mareykanka Mark Esper isagoo kula kulmaya caasimada madaxda dowlada Afghanistan si uu uga dhaadhiciyo ujeedka heshiiska.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ugu baaqay Taliban iyo xukuumadda Afghanistan iney fursaddan ka faaiideystaan, isaga oo xusay in haddii laga dhabeeyo ka mira dhalinta waxa lagu heshiiyey ay taasi horseedi doonto soo afjarista colaadda Afghanistan iyo in ciidanka Mareykanku ay dalkooda ku soo laabtaan.

Horseed Media.2020

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *