Maraykanka iyo Soomaaliya oo heshiis iskaashi mileteri kala saxiixdey

Published: February 15, 2024
Shares32

Muqdisho, Feberaayo 15, 2024; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goob joog ka ahaa munaasabad ka dhacdey magaaada Muqdisho taas oo heshiis Iskaashi milteri uu kula saxiixdey dowladda Maraykanka.

Heshiiskan ayaa dhigaya in Dowladda Marayanku ay ka samayso Soomaaliya afar saldhig milteri oo cusub, kuwaas oo laga hirgelinaayo magaalooyinka Jowhar, baydhabo, Kismaayo iyo Dhuusamareeb.

MadaxweyneXasan Sheekh ayaa munaasabaddii heshiiska lagu kala saxiixdey ka jeediyey khudbad waxaana uu yiri:

“…Heshiiskan waxa uu ka gacansiinayo dowladda Soomaaliya qorsheyaasha dib u habaynta iyo tayeynta Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, halganka dalka lagaga xoreynayo argagixisada Alshabaab iyo xaqiijinta amniga, waxa uuna faray xubnaha ka soo jeeda dhanka dowladda Soomaaliya ee guddiga isku-dhafka ah ee Labada dal in ay mudnaan weyn siiyaan fulinta heshiiska…”.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyey dowladda Maraykanka doorka ay ka qaadanayso tayeynta ciidanka sida-gaarka ah u tababaran ee Danab iyo guud ahaan Hay’adaha ammaanka Soomaaliya, isagoo xusay sida ay lafdhabarta ugu yihiin dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo howlgallada socda ee lagu xoreynayo deegaannada ay ku dhuumaaleysanayaan.

Heshiiska waxaa Labada dowladood u kala saxiixay, Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo Siihaayaha Safiirka Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya Shane Dixon.

Sida laga soo xigtay Adeegga Cilmi-baarista Aqalka Kongareeska, intii u dhaxeysay 2010 iyo 2020, Mareykanka ayaa in ka badan 500 oo milyan oo doolar si toos ah uga caawintay ciidamada Soomaaliya.

Horey waxaa Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh heshiisyo Milteri ula saxiixatey Imaraadka Carabta, Turkiga iyo Itoobiya heshiisyadaas oo mid kamid ah aan la horgeyn Baarlamaanka si ay u ansixiyaan.

Horseed media