Maraykanka iyo UK oo ka digay khatar ka imaanaysa Shiinaha

Published: July 7, 2022

Madaxda laamaha ammaanka ee dalalka Maraykanka iyo UK ayaa si aan horay looga baran oo wadajir ah uga hadlay wax ay ku tilmaameen khatar dhinacyo badan leh oo ka imanaysa dalka Shiinaha.

Agaasimaha hay’adda FBI, Christopher Wray, ayaa sheegay in Shiinaha uu yahay khatarta ugu weyn ee labada waddan ay wajahayaan, isagoo ku eedeeyay xukuumadda Beijing inay waddo faro-gelin siyaasadeed, gaar ahaan doorashooyinkii dhawaan dhacay.

Ken McCallum oo madax u ah hay’adda MI5 ee UK ayaa sheegay inay saddexdii sano ee la soo dhaafay laba-laabeen ka hortagga falalka Shiinaha uu wado.

Christopher Wray ayaa shirka jaraa’id ee ay wadajirka London ugu qabteen asaga iyo Ken McCallum waxa uu ku sheegay in haddii Shiinaha uu xoog ku qabsado Taiwan, ay taasi yeelan doonto saameyn dhaqaale oo aan horay looga arag caalamka.

Taliyayaasha labada hay’adood ayaa uga digay ganacsatada iyo aqoonyahanka dalalkooda khatarta uga iman karta Shiinaha, iyagoo ku eedeeyay xukuumadda Beijing inay xaddo fekerka iyo tiknoolajiyadda.

McCallum ayaa shirka jaraa’id uga hadlay arrimo uu sheegay inay ogaadeen sirdoonka labada waddan. Waxa uu tilmaamay in khabiir duulimaadyada ah oo u dhashay Britain lagu casuumay Shiinaha, kadib laga codsay xog xasaasi ah oo ku aaddan diyaaradaha dagaal ee waddankiisa.

Christopher Wray ayaa tilmaamay in Shiinaha uu casharro badan ka qaatay colaadda Ukraine. Xukuumadda Beijing ayuu sheegay inay u diyaargarowday cunaqabateyn uga timaada caalamka haddii ay ciidamadeeda ku duulaan Taiwan.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *