Maraykanka oo cunnoqabatayn saaray hoggaamiyaha Suudaan

12 hours ago

Mareykanka ayaa ku eedeeyay hogaamiyaha ciidamada qalabka sida ee Suudaan in uu dagaal ka doortay wada xaajood iyo in xal laga gaaro colaada Suudaan.

General Abdel Fattah al-Burhan 

Dowladda Mareykanka ayaa maalintii shalay ee Khamiista ku dhawaaqay cunaqabateyn ka dhan ah hoggaamiyaha la aqoonsan yahay ee Suudaan ahna taliyaha ciidamada qalabka sida ee Suudaan Abdel Fattah al-Burhan.

Taliyaha ciidamada Sudan ayaa lagu eedeeyay inuu xannibay gargaarka bini’aadantinimo uuna weeraray goobaha waxbarashada, suuqyada, iyo isbitaalada.

Burhaan “wuxuu diiday inuu ka qaybgalo wada-hadallada nabadeed ee caalamiga ah si loo dhammeeyo dagaalka, isagoo dagaal ka doortay gor-gortan daacadnimo iyo kala-dajin,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay wasaaradda maaliyadda ee Mareykanka.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Suudaan oo ka jawaabeysa cunno-qabataynta, ayaa ku tilmaantay “mid anshax-darro ah”, iyadoo intaas ku dartay in “ay ka maqan yihiin aasaaska caddaaladda iyo hufnaanta.”

Wasaaradda ayaa sidoo kale bayaan ay soo saartay ku sheegtay in Burhaan uu shacabka Suudaan ka difaacayo qorshe xasuuq ah.

Waxa kale oo ay sheegtay in “go’aanka khaldan aan lagu caddayn karin dhex-dhexaadnimada.”

Ilo kala duwan oo arrintan la socda ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in hadafka oo cunaqabataynta Khamiista la saaray uu ahaa in Maraykanku muujiyo in aanu dhinacna u raacsaneyn.

Tallaabadan ka dhanka ah Burhaan ayaa lagu dhawaaqay hal toddobaad uun ka dib markii Washington ay cunaqabatayn ku soo rogtay ninka ay is hayaan, Maxamed Xamdaan Dagalo, oo madax u ah Ciidamada Birmadka ee loo yaqaan RSF.

Mareykanka ayaa Daglo iyo RSF ku eedeeyay in ay “xasuuq” ka geysteen gobolka Darfur ee dalka Suudaan.

Isku soo wada duuboo, cunaqabatayntan ayaa hoosta ka xariiqaysa aragtida Maraykanka ee ah in labada nin midkoodna aanu ku haboonayn inuu maamulo mustaqbalka Sudan oo nabad ah,” ayuu xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ku sheegay hadal uu soo saaray.

Colaadda Suudaan ayaa waxaa ku dhintay tobanaan kun oo qof, in ka badan 12 milyan oo qof ayaa ku barakacay, boqolaal kun oo qofna macaluul ayay u horseedeen.