Maraykanka oo Deeqdii ka joojiyey Itoobiya & Xiisada Biyo-xireenka

Published: September 3, 2020

Maraykanka ayaa joojiyey deeqdii dhaqaale oo uu siin jiray Addis Ababa arrintan oo la xariirta xiisada ka taagan Biyo-Xireenka Itoobiya dhisatay oo ay kasoo horjeedaan wadamada biyaha isticmaala gaar ahaan Masar oo kamid ah xulafada Maraykanka.

Go’aankan oo uu gaaray Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa lagu sheegay in ay la xariirto natiijo la’aanta wadahadaladii xalinta xiisada biyo-xireenka ee u dhaxeeyey Itoobiya, Sudan iyo Masar.

Arrintan ayaa lagu soo beegay kadib markii Itoobiya ay kaligeed go’aansatay inay bilowdo buuxinta biyo-xireenka kahor iyadoo aan lagu heshiin sida lagu sheegay war kasoo baxay afhayeenka Xoghayaha Arrimaha Dibada ee Maraykanka.

Illaa iyo hada lama cadeyn inta ay la egtahay dhaqaalaha Maraykanka ka joojiyey Itoobiya, hase yeeshee todobaadkan ayey saxaafada caalamiga ah baahiyeen in Maraykanka uu joojiyey 130 milyan oo dollar oo lasiin lahaa xukuumada Addis Ababa.

Itoobiya ayaa weli ku adkeysaneysa hawlgelinta biyo-xireenkan dhismihiisa ay ku baxday in ka badan $4.6 bilyan oo dollar, balse xiisada la xariirta mashruucan ayaa laga cabsi qabaa inuu dagaal ka dhex-qarxiyo wadamada Itoobiya iyo Masar oo kamid ah dalalka ugu dadka badan qaarada Afrika.

Hanad Askar
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *