Maraykanka oo diyaarado dagaal ugu yaboohay Kenya

Published: January 26, 2020

Dowladda Mareykanka waxa ay Kenya siisay diyaarado dagaal oo ay uga talagaleen in ay u adeegsadaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Tirade Diyaaradaha Kenya lasiiyay waxa ay gaarayaan lix diyaaradood oo nooca MD-530F ah, waxaana ay ka qayb ka noqonayaan howlgaladooda.

Munaasabad ka dhacday Magaalada Nairobi 23-kii bishan waxaa Kenya lagu guddoonsiiyay diyaaradahaan.

Mas’uuliyiin ka qaybgashay kulanka waxa ay ka hadleen muhiimadda howlgalka Kenya iyo kaalmada Mareykanka.

Taliyaha Ciidanka Mareykanka ee Afrika Stephen Townsend waxa uu sheegay in diyaaradahaasi ay qeyb ka yihiin iskaashiga Amaanka ee Mareykanka iyo Kenya.

Mr Stephan ayaa sheegay in qorshahooda uu yahay in mustaqbalka dhow ay Dowladda Kenya Ku wareejin doonaan lix diyaaradood oo dheeraad ah.

Ciidamo iyo saraakiil kooban oo Mareykan ah ayaa la howlgala Ciidamada Kenya, waxa ay ka gacansiiyaan khibradaha ciidan iyo howlgalada ay sameynayaan.

Xukuumadda Washington waxa ay sare u qaaday tayeenta kenyanka la howlgala wixii ka dambeeyay weerar 5-tii bishaan Al-Shabaab ay ku qaadeen Saldhigga Ciidanka Badda Kenya ee Manda Bay oo ku yaalla Gobolka Lamu.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *