Maraykanka oo duqeeyey xarumaha Xuutiyiinta ee Sanca

5 hours ago

Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa duqeeyay xarun lagu keydiyo gantaalada Xuutiyiinta ee Yemen

Milateriga Maraykanka ayaa sheegay inay duqaymo dhanka cirka ah ka fuliyeen xarumaha Xuutiyiinta ee caasimadda Yemen ee Sanca, oo ay ku jiraan xarun lagu kaydiyo gantaallada iyo xarunta laga hago, sida laga soo xigtey taliska CENTCOM.

Duqeynta ayaa imaanaysa saacado kaddib markii Xuutiyiinta ay gantaal ku weerareen magaalada Tel Aviv oo ah xarunta ganacsiga Israa’iil.

Gantaalka ku dhacay Tel Aviv ee Xuutiyiintu sheegteen waxaa ku dhaawacmey 16 qof waxaana uu noqonaya kii labaad oo muddo labo maalmood gudahood ah lagu weeraro Isra’iil.

“Ciidamada CENTCOM waxay qaadeen weerarro si ay u carqaladeeyaan oo ay u wiiqaan howlgallada Xuutiyiinta, sida weerarrada ka dhanka ah maraakiibta dagaalka ee ciidamada badda Mareykanka iyo maraakiibta ganacsiga ee ku sugan Koonfurta Badda Cas, Bab al-Mandeb, iyo Gacanka Cadmeed,” ayay CENTCOM ku qortey barta X.

Dhanka kale ciidamada Maraykanku ayaa soo ridey diyaarad nooceedu yahay F/18 Super Hornet oo ay isla Maraykanku lahaayeen subaxnimadda Axadda, labadii duuliye ayaa shilka ka badbaadey oo la helay, shilka xabbada saaxbkood uga timid ayaa ka dhacdey badda cas.