Mareykanka wuxuu sameyn doonaa ‘wax walba oo uu awoodo’ si uu uga caawiyo Imaaraadka inuu iska difaaco weerarada Xuutiyiinta, ayuu yiri madaxa taliska dhexe ee Mareykanka.
![](https://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2022/02/Frank-McKenzie2-1200x675.jpg)
Mareykanka ayaa gacan ka geysan doona dib u habeynta gantaallada Imaaraadka Carabta ka dib markii ay soo wajaheen weerarrada isdaba jooga ah ee fallaagada Xuutiyiinta Yemen ee ay la beegsanayaan dalkaasi, ayuu yiri Jeneraalka Mareykan u qaabilsan Bariga Dhexe.
Waxaan ka caawin doonaa inaan siino gantaalada loo yaqaan [interceptors] ee difaaca cirka. Waxaan sameyn doonaa wax walba oo aan awoodno si aan u caawino [Imaaraatka] si ay isu difaacaan,” ayuu yiri Gen.Frank McKenzie, oo ah madaxa taliska dhexe ee Mareykanka ee Bariga dhexe, kadib safar uu ku tagay magaalada Abu Dhabi.