Maraykanka Oo Joojiyey Sahaydii Cunnadii Uu Siin Jiray Ciidamada Danab Fadeexado Musuq Maasuq Darteed

Published: April 26, 2024
Shares34

Dowladda Mareykanka waxa ay ku joojisay sahaydii cuntadii ay siin jirtay ciidamada ay tababarto ee Danab, oo ah qeybta ciidamada gaarka ah ee Soomaaliya oo ay muddo dheer taageeri jirtay dowladda Maraykanku, tababarna siin jirtay, kaddib markii ay soo shaac baxday fadeexad musuq-maasuq oo ballaaran oo la xiriirta lunsi iyo dib u iibis sahayda.

Go’aanka lagu jaray Sahayda Danab ayaa waxaa si toos ah loogu gudbiyay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdifitaax Qaasim iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Ibraahim Sheekh Muxudiin oo ku sugnaa Safaaradda Mareykanka ee Magaalada Nairobi ee dalka Kenya todobaadkan. Ilo xog ogaal ah oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (SNA) ayaa laga soo xigtey in laga yaabo in Mareykanka uu sidoo kale ka fekero joojinta taageerada Shidaalka ee Danab inta laga helayo baaritaanno dheeraad ah oo lagu ogaanayo heerka uu gaarsiisan yahay musuqmaasuqa.

Joojinta kaalmada Mareykanka ayaa dhabar jab weyn ku ah ciidamada Danab oo si weyn ugu tiirsanaa taageerada Mareykanka si ay u fuliyaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

War qoraal ah oo soo baxay 25-kii April 2024, Wasaaradda gaashaandhigga ayay dowladda Soomaaliya ku qiratay in raashiinkii loogu talagalay ciidamada Danab ee uu Mareykanku tababaray ay leexsadeen kuwo ka tirsan ciidanka Danab. Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in baaritaan la sameeyay, taasoo keentay in shaqada laga joojiyo oo xabsiga loo taxaabo saraakiil aan la magacaabin.

“Wasaaradda Gaashaandhigga waxa ay ka mahadcelineysaa taageerada Dowladda Mareykanka ay la garab taagan tahay shacabka iyo dowladda Soomaaliya istaraatiijiyadeed ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab” ayaa lagu yiri qoraalka. Waxay intaas ku dartay in dowladda Soomaaliya ay “qaadan doonto” mas’uuliyadda bixinta raashinka ay siiso Danab ee Mareykanka taasoo qayb ka ah “isbadalka tartiib-tartiib ah” ee looga golleeyahay xaqiijinta waarta ee ciidamadeeda.

Fadeexadan musuq-maasuqa ah ayaa dhabar jab weyn ku keentay dadaaladii ay ciidamada milateriga Soomaaliya ku doonayeen inay kula dagaalamaan Al-Shabaab oo muddo toban sano ka badan soo waday dagaallo ka dhan ah dowladda. Danab oo ay tababareen oo ay qalabeeyeen Mareykanka ayaa safka hore kaga jira weerarada ka dhanka ah kooxda xagjirka ah.

Qandaraasyada sahayda iyo cunnada ayaa la siiyey shakhsiyaad ku dhaw madaxda sare ee Dowladda federaalka Soomaaliya, iyada oo Madaxweyne Xasan Sheekh muddo badan ku celceliyey in uu la dagaalamaayo musuqa.

HORSEED MEDIA