Maraykanka oo ka hadlay xaaladda Soomaaliya

Published: November 7, 2019
Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya

Dowladda Mareykanka ayaa ka hadashay  xaalada siyaasadeed ee Soomaaliya, waxa ayna Dowlada Soomaaliya iyo dhinacyada siyaasada ku boorisay in ay kawada shaqeeyeen xasiloonida dalkaan.

War saxaafadeed ka soo baxay safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladda Mareykanka ku boorineyso dhammaan dhinacyada Soomaalida in ay ka shaqeeyaan dib u heshiisiin siyaasadeed.

“ Dowladda Mareykanka waxay ku boorineysaa Dowladda Federaalka Soomaaliya, dhammaan Dowladaha xubinta ka ah Federaalka, iyo muwaadiniinta Soomaaliyeed in ay ka shaqeeyaan dib-u-heshiisiin siyaasadeed, iskaashi, iyo midnimo ayadda oo loo maraya wadahadal nabadeed ”

ayaa lagu yiri war saxaafadeedka.

Sidoo kale waxaa war-saxaafadeedka ka soo baxay safaarada Mareykanka ee Soomaaliya lagu sheegay in Soomaaliya ay ku tallaabsatay horumar wax ku ool ah oo laga dareemayo dhinacyada muhiimka ah, ee Amniga,dhaqaalaha iyo dib u dhiska dalka.

“Waxaan ku dhiirigelinaynaa dhammaan in ay isu yimaadaan oo ay la shaqeeeyan saaxibada Soomaaliya ee caalamiga ah si loo helo nabad, xasilooni, iyo barwaaqo”

ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Warka soo baxay safaarada Mareykanka ee Muqdisho ayaa imaanaya iyada oo ay siyaasada Soomaaliya bilahaan dambe kacsaneed marka la eego khilaafka Dowladda Dhexe iyo qaar ka mid ah Dowlad Goboleedyada iyo Xisbiyada siyaasada dalka ee aragtida duwan Dowlada Soomaaliya.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment

  1. I believe that U.S.A is not playing its role as what it stands for- a world leader on the basis of democracy, governance and conflict resolution.The chronic political decay of the federal Somalia is ,among many other reasons,leaning towards the ignorance of the legitimacy of Somaliland as an independent nation that was not and cannot be part of Somalia.To make a very long story short ,U.S.A needs to spearhead recognizing Somaliland. The choice is the global futility.