Maraykanka oo ku goodiyey inuu duqeyn balaaran la beegsan doono maleeshiyaadka ay Iran taageerto

Published: February 2, 2024

Wasaarada Gaashaandhiga Mareykanka ayaa khamiistii wacad ku martay inay “jawaab dhinacyo badan leh” la beegsan doonto maleeshiyaad ay Iran taageerto oo mas’uul ka ahaa dilka saddex askari oo Mareykan ah ayna ku dhaawacmeen 40 kale.

“Waxaan kaliya kuu sheegi karaa inaan ka jawaab bixin doono weerarkaas, jawaabtaasi oo noqon doonto mid dhinacyo badan,” ayuu yiri Xoghayaha Difaaca Lloyd Austin.

Austin ayaa ka digay in “xaalada Barigga Dhexe ay hada tahay khatar ah”, laakiin wuxuu sheegay in Washington ay sii wadi doonto ka shaqeynta si looga fogaado isku dhac ballaaran oo gobolka ah.

In kasta oo Iran ay iska fogaysay weeraradii dhimashada badnaa ee todobaadkii hore ka dhacay Urdun iyo maleeshiyaadka ay Iran taageerto ee Ciraaq oo sheegtay inay joojisay weeraradii ka dhanka ahaa ciidamada Maraykanka ee Ciraaq iyo Suuriya, Austin ayaa sheegay inaysan hadaladaasi ay yihiin kuwo aan wax laga soo qaadi doonin.

Horseed Media