Maraykanka oo Lagu Eedeeyay Burcadnimo

Published: April 4, 2020

Dowladda Jarmalka ayaa ku eedaysay Maraykanka inay leexsadeen shixnad u socotay dalka Jarmalka.

Jarmalku waxay sheegeen in shixnad ka koobnayd walxaha afka lagu xirto oo tiradoodu dhamayd 200,000 kun oo xabo uu maraykanku awood kula wareegay taasi oo ay ku tilmaameen inay tahay burcadnimo.

Dowladda hoose ee magaalada Berlin waxay sheegtay in agabkan oo lagu sameeyay Maraykanka lagu joojiyay Bankok. shixnadan waxaa dalbaday booliiska caasimadda Berlin ee Jarmalka.

Wasiirka arrimaha gudaha ee Maamul hoosaadka Berlin ayaa sheegay inay shixnada laga leexiyay halkii ay u socotay oo dib loogu celiyay maraykanka.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump waxaa uu wareegto ku joojiyay in dalka dibadiisa loo dhoofiyo ilaa 3 Milyan oo walxaha afka lagu xirto, Sidii kale madaxweynuhu wuxuu amar ku siiyay shirkadaha Maraykanka inay soo saaraan agabka caafimaadka ee lama huraanka u ah la tacaalida iyo ka hortega cudurka coronavirus.

Cudurka Coronavirus waxaa uu dalka Maraykanka ku dilay 7000 kun, halka uu ku dhacay dad ka badan 250 kun oo qof.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *