Maraykanka oo mar kale duqeyn dhanka cirka ah ka fuliyey Galmudug

Published: August 15, 2023
Shares19

Diyaaradaha aan duuliyaha wadin ee ciidamada Maraykanka ayaa mar kale duqeyn ka geystey gobolka Galguduud ee mamaulka Galmudug, halkaas oo lagu weeraray saldhig al-Shabaab ay ku lahaayeen.

War ka soo abay Dowaldda Soomaaliya maanta oo Salaasa ah ayaa lagu xaqiijiyey in ciidamada amaanka ee Soomaaliya oo kaashanaya Maraykanku ay burburiyeen saldhig al-Shabaab ku lahaayeen meel ku dhaw degmada Galcad ee gobolka Galguduud.

Warka ayaa intaas ku daray in goobtaas lagu diley subaxnimadii hore ee maanta 5 sarkaal oo ka tirsanaa ururka al-Shabaab.

Bishii Janaayo 2023 ayey ahayd markii AFRICOM sheegtey in ay weerar ku dileen 30 ka tirsan ururka al-Shabaab isla goobta hadda la beegsadey ee ku dhaw Galcad,

Maraykanka ayaa kor u qaadey weerarada ay ka geysanayaan Soomaaliya sanadkan 2023, waxaana dowladda Soomaaliya ay sheegtey in tani qayb a tahay wejiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah al-Shabaab.

Horseed Media