Maraykanka oo markale gacanta ku dhigay sarkaal sare oo ka tirsan Daacish

Published: September 30, 2023
Shares14

Ciidamada Mareykanka ayaa weerar lagu guuleystay ka fuliyay waqooyiga Suuriya Sebtembar 28, 2023, iyagoo gacanta ku dhigay Mamduh Ibrahim al-haji Shaykh, oo ah Fududeeyaha Daacish.

Ma jiro dad rayid ah oo ku dhaawacmay ama ku dhintay hawlgalkan, sida uu sheegay taliska dhexe ee ciidamada Maraykanka.

“Taliska USCENTCOM waxaa weli ka go’an xaqiijinta guuldarada ISIS,” ayuu yiri Lt. Col. Troy Garlock, afhayeenka CENTCOM.

Waa xubintii labaad ee sare oo Daacish ka tirsan oo ay ciidamada Maraykanka todobaad gudihiis ku qabtaan hawlgal noocaan ah.

Taliska Ciidanka Dhexe ee Mareykanka ayaa ku guuleystay hawlgal loo adeegsaday diyaarado Helicopter ah oo ay ka fuliyeen waqooyiga Suuriya, Sebtembar 23, 2023 ayaa sidoo kale lagu qabtay Abu Halil al-Fad’ani oo ahaa sarkaalka howlgallada iyo fududeynta ISIS ee Suuriya.

Horseed Media