Maraykanka oo sheegay inuu duqayn ku diley 15 katirsan Al-shabaab

Published: December 19, 2022

Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay inay 15 katirsan Al-shabaab ku dishay labo duqayn oo ka dhacay deegaano hoos yimaada degmada Cadale ee gobolka Shabeellada dhexe.

War kasoo baxay taliska Maraykanka ee Afrika ayaa lagu sheegay, in duqaymahan oo dhacday intii u dhaxeysay 14kii illaa 17 december lagu bartilmaameesaday farriisimo Al-shabaab kaga sugnaayeen gobolka Shabeellada dhexe.

Dowladda Maraykanka waxay sheegtay inuusan jirin wax khasaare ah oo shacabka kasoo gaaray duqeymaha uu ku bartilmaameesaday Alshabaab.

Sidoo kale Maraykanku waxaa uu sheegay inuu duqayn ku taageeray ciidamada xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwa deegaanka ee dagaalka kula jira Al-shabaab.

Horseed Media