Maraykanka oo soo riday diyaarad Drone uu leeyahay Turkiga

Published: October 6, 2023

Mareykanka ayaa sheegay in ay soo rideen diyaarad aan duuliye lahayn oo Turkish ah, taasi oo weerar ka waday meel u dhow ciidamadooda khamiistii shalay, inkastoo uu beeniyay sarkaal ka tirsan wasaaradda gaashaandhigga Turkiga.

Haddii diyaarada aan duuliyaha lahayn ay tahay Turki, waxay noqonaysaa markii ugu horeysay ee uu Maraykanka soo rido diyaarad ay leedahay xulafadooda NATO.

Wararka ugu danbeeyey ayaa sheegaya in diyaaradan aysan lahayn militariga Turkiga, balse ay leeyihiin Hay’ada Sirdoonka Turkiga.

Hay’adda Sirdoonka Qaranka Turkiga ayaa gudaha Suuriya ka fulisay weeraro ka dhan ah bartilmaameedyo la rumeysan yahay inay xiriir la leeyihiin weerar bambaano oo ka dhacay magaalada Ankara todobaadkii hore, sida ay sheegeen laamaha ammaanka ee Turkiga Khamiistii.

Turkiga ayaa maalmihii lasoo dhaafay duqeenayey saldhigyada xoogaga Kurdida ee Siiriya oo iyaguna xulafo la ah Maraykanka, oo ay iska kaashadaan la dagaalanka Daacish.

Diyaarad ayaa markii lasoo ridayey aad ugu soo dhawaatay saldhiga ciidamada Mareykanka, taasi oo uu Maraykanka u arkay khatar waxaana soo riday diyaarad F-16 ah.

Horseed Media