Maraykanka oo soo riday gantaal Xuutiyiinta ku rideen markab dagaal

Published: January 15, 2024

Milateriga Maraykanka ayaa Axaddii sheegay in ciidamadoodu ay soo rideen gantaal nooca loo yaqaan (Cruise) oo lagu soo riday markab dagaal oo uu Maraykanku leeyahay, gantaalkaas oo laga soo riday dhulka Xuutiyiinta Yemen ay maamulaan.

Weerarkan ayaa u muuqda kii ugu horeeyay ee lala beegsado Maraakiibta Maraykanka iyadoo ay sii kordhayaan weerarada gantaalada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Xuutiyiinta oo ay la beegsanayaan maraakiibta u socda Israel ee maraya marinka muhiimka ah ee badda cas.

Ciidamada Maraykanka iyo Ingiriiska ayaa Jimcihii sheegay inay duqeeyeen saldhigyada Xuutiyiinta Yemen ku lahaayeen magaalooyin kala duwan, taasi oo sare u qaadaysa xiisada.

Maraykanka iyo xulafadiisa ayaa sheegaya inay Israel ka difaacayaan weerarada uga imaanaya kooxaha taageersan Falastiin sida Xuutiyiinta iyo Xisbullah, isla markaana illaalin doonaan amniga Maraakiibta ganacsiga ee mara badda Cas.

Horseed Media