Maraykanka oo ugu danbeen aqoonsanaya Xasuuqii loo geystay Rohingya ee Myanmar

Published: March 21, 2022

Xukuumada Maraykanka ee uu hogaamiyo Madaxweyne Joe Biden ayaa lagu wadaa maanta inay ku dhawaaqdo in si rasmi ah ay u aqoonsadeen xasuuqii iyo dhibaatadii loo geystay muslimiinta Rohingya ee dalka Myanmar.

Xoghayaha Arrimaha Dibada ee Maraykanka Antony Blinken ayaa maanta oo isniin ah go’aankan ku dhawaaqi doona.

Maraykanka iyo dalalka reer Galbeedka walow ay cambaareeyeen dhibaatada lagu hayey dadka reer Rohingya ee muslimiinta Myanmar ayaan hadana weli aan si rasmi ah ugu aqoonsan xasuuqii (genocide) loo geystay dadkaasi.

Go’aankan ayaa la filayaa inuu fududeeyo sidii cadaadis iyo tilaabo looga qaadi lahaa madaxda xukuumada Militariga ah ee ka talisa dalka Myanmar.

Sanadkii 2017 ayaa boqolaal kun oo muslimiin ah laga baro kiciyey dalka Myanmar, waxaana sanadkii 2018 ay Qaramada Midoobay xaqiijisay in xasuuq loo geystay dadkaasi muslimiinta ah, balse illaa iyo hada ayey ku qaadatay Maraykanka inuu aqoonsado xasuuqaasi loo geystay muslimiinta laga baro-kiciyey dhulkooda.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *