Maraykanka oo Xasan Sheekh uga mahad-celiyey marti-gelinta ciidamada Maraykanka ee Soomaaliya ku sugan

Published: September 16, 2022

Xoghayaha Difaaca Mareykanka Lloyd J. Austin III ayaa maanta xarunta Pentagon-ka ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in uu Xoghayaha waaxda difaaca maraykanka la wadaagey warbixin ku saabsan dedaaladii ugu danbeeyey ee shacabka Soomaaliyeed isaga xoreynayaan al-Shabaab waxaana qoraal ka soo abxay Villa Soomaaliya lagi yiri:

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dul-istaagay dadaallada naf-hurnimada leh ee Shacabka Soomaaliyeed iyo Ciidaanka Xoogga Dalka ay kaga xoreynayaan argagixisada deegaannada kooban ay kaga sugan yihiin dalka, caqabadaha amni ee u baahan iskaashi caalami ah, si looga adkaado argagixisada cuuryaamiysay horumarka gobolka iyo guud ahaan Soomaaliya.

Villa Somalia
Lloyd J. Austin III and Hassan Sheikh
Xogyahaya waaxda difaaca Maraykanka Lloyd J. Austin III ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh ku soo dhaweeyey xarunta Pentagon maalintii khamiista

Dhanka kale qoraal kooban oo lagu daabacay bogga Pentagon-ka ayaa lagu sheegay in ay labada dhinac ka wada hadleen shaqooyinka uu maamulka Madaxweyne Xasan Sheekh ka qabtay ka hortagga xagjirnimada rabshadaha wata ee Soomaaliya ka jirta iyo sidii ay Maraykanku u garab istaagi lahayd ciidamada ammaanka Soomaaliya.

Pentagon-ka ayaa sheegtey in kulanka ay labada dhinac is dhaafsadeen aragtiyo ku saabsan amniga Geeska Afrika gaar ahaan xaaladaha cimilada, arrimaha bini’aadantinimada, colaadaha, iyo khatarta xagjirnimada.

Xoghaye Austin ayaa xaqiijiyay sida ay wasaaradda gaashaandhigga uga go’an tahay ka hortagga xagjirnimada rabshadaha wata, waxaana uu muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay maamulka Madaxweyne Xasan Sheekh inuu martigeliyo ciidamada Mareykanka.

Ugu danbeyn ayaa lagu yiri warsaxafaadeedka Pentogan-ka Lloyd J. Austin III wuxuu ku bogaadiyay hoggaanka Madaxweyne Xasan Sheekh dib u dhiska ciidamada ammaanka Soomaaliya iyo sida uu ula macaamilo Mareykanka iyo saaxiibada caalamka.

Horseed Media