Barafkan iyo qabowga ayaa ah kii ugu cuslaa muddo toban sano ah oo ka dhaca dalka Maraykanka.
Dhul ballaaran oo dalka Mareykanka ah , laga soo bilaabo Kansas ilaa New Jersey, waxaa ku dhuftey duufaan weyn xiliga jiilaal ah taasoo keentay baraf, dabayl iyo heerkul u eg lama deegaanka Arctic.
Guddoomiyeyaasha gobollo badan, oo ay ku jiraan Kansas, Kentucky, Arkansas, West Virginia, iyo Virginia, ayaa ku dhawaaqay xaalad degdeg ah.
Meelaha ugu daran ee uu barafka iyo qabowga ba’ani saameeyay Axaddii shalay ayaa waxaa ka mid ah gobollada Kansas, Nebraska, iyo Indiana. Saacadaha soo socda waxaa la filayaa magaaladan Washington D.C, iyo gobollada ay dhaxda uga jirto ee Virginia iyo Maryland uu ka da’o barafki ugu weynaa muddo sannado ah.
Guddoomiyaha gobolka Kentucky Andy Beshear ayaa ku booriyay dadka deegaanka inay “guryahooda joogaan” ka dib markii ay bateen shilal gawaarida.
Gobolka Virginia, booliisku waxay sheegeen ugu yaraan 135 shil markii ay duufaantu soo gashay gobolka Axaddii. Dhaawacyo kooban ayaa la soo sheegay, balse ma jirto wax dhimasho ah.
Booliiska Missouri ayaa sheegay in ay ka jawaabeen ku dhawaad 600 oo darawal oo go’doonsanaa iyo 285 shil.
Barafkan iyo qabowga ayaa ah kii ugu cuslaa muddo toban sano ah oo ka dhaca dalka Maraykanka.