Maraykanka: Weerar ka dhacay Maryland oo lagu dilay 4 qof

Published: September 21, 2018

Ugu yaraan shan qof ayaa ku dhimatay weerar khamiistii ka dhacay gobalka Maryland ee dalkaasi Maraykanka.

Weerarkan ayaa ka dhacay goob ay ku yaalaan bakhaaro, waxaana geysatay haweenay la sheegay inay toogatay afar qof, kadibna isla goobtaasi gacanteeda isku dishay.

Illaa iyo hada macada sababta weerarkan ka danbeysa, balse inta badan ayey dalkaasi Maraykanka ka dhacaan weeraro ay geystaan dad hubeysan kuwaasi oo marar badan ka dhaca goobaha shaqada, iskuulada iyo goobaha kale oo ay dadka isugu yimaadaan.

Goobta uu weerarkan ka dhacay ayaa ah nawaaxiga xarunta Rite Aid distribution centre oo ku taal magaalada Aberdeen oo 56km waqooyiga uga beegan magaalada Baltimore.

Weerarkan ayaa yimid maalin kadib markii ay labo weerar oo kale ay dalkaasi ka dhaceen.

Sadex qof ayaa ku dhaawacmay weerar Arbacadii ka dhacay gobalka Pennsylvania, halkaasi oo nin hubeysan rasaas ooda uga qaaday dad badan oo ku sugnaa goob Maxkamada ah, booliiska ayaa toogasho ku dilay ninka weerarkaasi geystay oo lagu magacaabay Patrick Dowdell.

Isla maalinimadii Arbacadii ayaa weerar kale oo ka dhacay xarun ganacsi oo ku taal magaalada Madison ee gobalka Wisconsin, booliiska ayaa sidoo kale ninka weerarkaasi geystay toogasho ku dilay. Ugu yaraan 4 ruux ayaa ku dhaawacmay weerarka ka dhacay gobalka Wisconsin.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *