Mareykanka oo ciidamo dheeraad ah u diray Bariga Dhexe, si ay u difaacaan Israa’iil

Published: August 3, 2024

Mareykanka ayaa ciidamo dheeraad ah u diraya Bariga Dhexe si ay u difaacaan Israa’iil, xili laga cabsi qabo weerar uga yimaada wadanka IRAN.

Wasaaradda Gaashaandhiga ee Mareykanka ayaa Jimcihii shalay shaacisey qorshaha ciidamadan oo lagu tilmaamay kuwo difaac ah, sida ay sheegtay kuxigeenka warfaafinta Pentogan-ka Sabrina Singh.

Dilkii Hogaamiyihii Xamaas Ismail Haniyeh oo Arbacadii lagu dilay magaalada Tehran iyo taliyihii sare ee Xisbullah Fouad Shukur oo Salaasadii lagu dilay Beirut ayaa halis ugu jira in dagaalka ka socda Marinka Gaza uu noqdo dagaal gobolka oo dhan ah, iyadoo Iran ay sidoo kale ku hanjabtay inay jawaab ka bixin doonto weerarka lagu qaaday dhulkeeda.

Singh waxay sheegtay in go’aankan lasoo saaray kadib wadahadal habeenimadii Khamiista dhexmaray Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden iyo Ra’iisul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu. Jimcihii shalay, Xoghayaha Difaaca Lloyd J. Austin ayaa sidoo kale kulan dhanka khadka ah la yeeshay Wasiirka Difaaca Israel Yoav Gallant.

Horseed Media