20 November, 2024
Mareykanka ayaa Arbacadii diiday qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee xabbad-joojinta dagaalka Israel ee Gaza.
15-ka xubnood ee golaha ayaa u codeeyay qaraar ay soo bandhigeen 10-ka xubnood ee aan joogtada ahayn kulan ay isugu yimaadeen oo ku baaqayay “xabad joojin degdeg ah, si shuruud la’aan ah oo joogto ah”.
Kaliya Maraykanka ayaa u codeeyay diidmo, isagoo adeegsanaya diidmada qayaxan ee xubinta golaha joogtada ah si uu u hor istaago qaraarkan.
Duulaanka socda 13-ka bilood ee Israa’iil ka waday Gaza ayaa lagu dilay ugu yaraan 44,000 qof waxaana lagu barakiciyay dhammaan dadka deegaankaas.
Horseed Media