Mareykanka oo duqeeyey Ciraaq iyo Yemen

Published: January 24, 2024

Wasaarada Gaashaandhiga Mareykanka ayaa sheegtay in Salaasadii shalay ay duqeyn la beegsadeen xarumaha maleeshiyaadka Ciraaq ee taageerada ka hela IRAN.

Wasiirka Gaashaandhiga Mareykanka Lloyd Austin ayaa sheegay in sadex xarun oo ay leeyihiin maleeshiyaadka Ciraaq ay duqeeyeen, taasi oo jawaab u ahayd weeraro kaga imaanayey kooxahaasi maalmihii lasoo dhaafay oo lala beegsaday ciidamadooda ku sugan Ciraaq & Siiriya.

Maleeshiyaadka Shiicada ah ee Ciraaq oo taageeradda ka hela IRAN ayaa todobaadyadii lasoo dhaafay duqeynmo diyaaradaha Drone-ka iyo hoobiyayaal la beegsanayey saldhigyada Mareykanka ku leeyahay wadankaasi.

Dhinaca Yemen, Mareykanka ayaa markale duqeeyey labo saldhig oo ay leeyihiin xoogaga Xuutiyiinta, halkaasi oo la sheegay inay yaaleen gantaalada kooxdaasi u adeegsato weerarada lala beegsado Maraakiibta marra Badda Cas.

Horseed Media