Mareykanka oo duqeeyey Saldhigyo maleeshiyaadka Ciraaq

Published: November 22, 2023
Shares44

Diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka ayaa duqeeyey labo xarun oo ay lahaayeen maleeshiyaadka shiicada Ciraaq.

Duqeyntan ayaa daba socota weeraro ay maleeshiyaadka loo yaqaan (Kataib Xisbullah) ay la beegsadeen ciidamada Mareykanka ee ku sugan Ciraaq.

Maleeshiyaadkan ayaa Talaadadii shalay gantaal ku dhuftay mid kamid ah xarumaha militariga Mareykanka.

Mareykanka ayaa sheegay inuusan dooneyn inuu sii-fido dagaalka ka socda Gaza. Balse maleeshiyaadka taageerada ka hela Iran ay wadaan weeraro joogto ah.

Saldhigyada Mareykanka ku leeyahay Ciraaq iyo Siiriya ayaa duqeynmo lala beegsaday 66 jeer tan iyo intuu bilowday dagaalka ka socda Gaza.

Horseed Media