Mareykanka oo duqeymo la beegsaday Xuutiyiinta, Yemen

3 days ago

Taliska CENTCOM ayaa sheegay inay duqayeen ‘bartilmaameedyada Xuutiyiinta’ ee Sanca iyo xeebaha Yemen, maalmo kadib markii Israa’iil ay bartilmaameedsatay dalkaas.

Afhayeenka Xuutiyiinta Yemen, Mohammed Abdulsalam, ayaa sheegay in dalkiisa uu sii wadi doono is-difaacidda kaddib markii dhowr weerar uu Mareykanku la beegsaday xarumo ku yaalla caasimadda Sanca.

“Weerarka Mareykanka ee Yemen waa xadgudub bareer ah oo ka dhan ah madax-bannaanida dowlad Yemen, iyo taageerada cad ee Israa’iil si loogu dhiirrigeliyo inay sii waddo dembiyada xasuuqa ee ka dhanka ah dadka Gaza,” ayuu yiri Abdulsalam Talaadadii, ka dib markii duqaymo ay fuliyeen ciidamada Mareykanka maalintii labaad.

Militariga Mareykanka ayaa sheegay in Isniintii iyo Talaadadii ay qaadeen weeraro ka dhan ah bartilmaameedyada Xuutiyiinta ee caasimadda Sanca iyo xeebaha Yemen.

TV-ga Al Masirah ee ay Xuuthiyiinta maamulaan ayaa sheegay in 12 weerar oo dhanka cirka ah ay fuliyeen diyaaradaha dagaalka Mareykanka, kuwaas oo lala beegsaday labo degmo oo ka tirsan Sanca.

Todobaadki hore, mowjado weeraro ah oo dhanka cirka ah oo Israel ay ku dhufatay garoonka diyaaradaha ee Yemen, ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan saddex qof. Weeraro kala duwan oo lagu qaaday magaalada dekadda leh ee Xudeydah ayaa waxaa ku dhintay saddex qof oo kale.

Horseed Media