Mareykanka oo ka digay masiibo deegaan oo ka dhalan karta markab xamuul oo ay Xuutiyiinta ku duqeeyeen gacanka Cadan

Published: February 24, 2024

Markab kuwa xamuulka ah ayaa looga tagay gacanka Cadmeed ka dib markii ay weerar ku qaadeen Xuutiyiinta Yemen, waxaana ka daatay markabkan shidaal aad u badan, oo laga cabsi qabo inay ka dhalato masiibo deegaan.

Markabka Rubymar, oo sita calanka dalka Belize, kana diiwaan gashan Britain iyo Lubnaan, isla markaana sidday sunta bacriminta oo guban karta, ayaa waxyeello ka soo gaartay gantaal ay todobaadkan kusoo rideen kooxda Xuutiyiinta.

Shaqaalihii saarnaa ayaa loo daadgureeyay dhinaca Jabuuti ka dib markii hal gantaal uu ku dhacay dhinaca markabka, taasoo keentay in biyuhu galaan qolka matoorka, dhabarka dambena ay hoos u fadhiistaan, sida ay sheegtay shirkadda Blue Fleet Group.

Gantaalka labaad ayaa ku dhacay dusha sare ee markabka, isagoo aan geysan waxyeello weyn, sida uu AFP u sheegay madaxa shirkadda Blue Fleet Roy Khouri.

Taliska Militariga Maraykanka ee CENTCOM ayaa sheegay in markabka si tartiib tartiib ah u qaadanayo biyaha, isla markaana saliida ka daadatay ay ku fidey aag gaaraya 18-mayl ee badda.

“MV Rubymar waxa uu siday in ka badan 41,000 oo tan oo bacrimin ah markii la weeraray, taas oo ku dhici karta badda cas oo uga sii dari karta masiibada deegaanka xeebaha saaran,” ayaa lagu yidhi qoraal lagu daabacay X.

Shaqaalaha markabka ayaa sheegay in markabka loo jiidi karo Jabuuti toddobaadkan.

Weerarka lagu qaaday markabka Rubymar waxa uu ka dhigan yahay khasaarihii ugu badnaa ee ilaa hadda loo gaysto markab ganacsi tan iyo markii Xuutiyiintu ay bilaabeen in ay weeraraan maraakiibta bishii November — olole ay sheegeen in ay ku garab taagan yihiin Falastiiniyiinta ku sugan Gaza intii uu socday xasuuqa Israa’iil ka wado Qasa.

Horseed Media