Mareykanka oo markale duqeeyey saldhigyada Xuutiyiinta

Published: January 18, 2024

Milateriga Mareykanka ayaa sheegay in ciidamadoodu ay duqeyn ku qaadeen goob ay yaleen 14 Gantaal oo Xuuthiyiinta doonayeen inay kasoo ridaan Yemen, waa weerarkii 4aad oo toos ah oo uu Mareykanka la beegsado kooxdaasi wax ka yar toddobaad.

Gantaaladan ayaa khatar ku ahaa maraakiibta ganacsiga iyo maraakiibta ciidamada badda ee Maraykanka ee ku sugan gobolka, sida uu Arbacadii sheegay taliska dhexe ee Maraykanka ee (CENTCOM).

Kooxdan Xuutiyiinta oo gacanta ku haysa inta badan dalka Yemen ayaa tan iyo bishii November weerar ku qaadaysay maraakiibta mara badda Cas ayaa sheegtay in aanay joojin doonin weerarada ay ku qaadayso marinada maraakiibta inta Israel ay xasuuqa ka wado Gaza.

Horseed Media