Mareykanka oo noqday dalkii u horreeyay maalin gudahood 2,000 oo qof u dhinta Coronavirus

Published: April 11, 2020

Warbaahinta Dalka Mareykanka ayaa shaacisay in ka badan 2,000 oo qof maalin kaliya in ay u geeriyooda Cudurka Coronavirus waxaana la diiwaan-geliyay2,108 qof oo dhimasho ah 24-kii saac ee la soo dhaafay taas oo ka dhigaysa in Dalka Maraykanka uu noqonaya dalkii ugu dhiamsho badnaa.

Tirada kiisaska la xaqiijiyay cudurka COVID-19′ ee Mareykanka ayaa kor u dhaaftay 500,000 sida laga soo xigtay warbixintii ugu dambeysay  ee jaamacadda Johns Hopkins iyo xarunta xakamaynta cudurada faafa.

Mareykanka ayaa wuxuu hadda diiwaan geliyay 18,586 dhimasho, waxaana ay ku dhow yihiin dalka Talyaaniga oo tirada u dhimatay cudurkaas ay gaarayaan 18,849 kaasoo noqday dalka ugu badan ee cudurka Coronavirus ugu dhinta.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inay hoos u dhacday tiradii laga cabsi qabay in cudurka u geeriyootay, iyadoo Mareykanka tirada dadka uu soo ritay cudurkaas uu gaaray boqolaal kun.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *