Mareykanka oo sheegay in duqeyn uu ku dilay xubno katirsan Al-Shabaab

Published: February 17, 2023

Mareykanka ayaa sheegay in duqeyn uu ka fuliyay gobolka Shabeeladda dhexe lagu dilay shan xubnood oo ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

Bayaan ka soo baxay taliska ciidanka Mareykanka ee Afrika ayaa lagu sheegay in Duqeyntan lagu fuliyay codsi ka yimid dowladda federalka Soomaaliya,  AFRICOM.

Duqeynta ayaa laga fuliyay meel qiyaastii 300 oo mile dhanka waqooyi ka xigta caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Ma jirto dad rayid ah oo ku dhaawacmay ama ku dhintay, AFRICOM ayaa sheegtay, iyadoo soo xiganeysa saraakiil ku sugnaa goobta uu howlgalka ka dhacay.

Weerarkan ayaa noqonaya kii labaad oo muddo todobaad gudihiis ah uu Mareykanku la beegsado Al-shabaab.

Horseed Media