Mareykanka oo soo riday Drones la beegsaday maraakiib marayay Badda Cas

Published: December 4, 2023

Markab dagaal oo uu leeyahay Mareykanka ayaa soo riday diyaarado badan oo aan duuliyaha lahayn kuwaasoo ka yimid Yemen, sida uu sheegay taliska dhexe ee Mareykanka (CENTCOM).

Xuutiyiinta Yemen kuwaas oo sheegay in ay beegsadeen laba ka mid ah maraakiibta – ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay diyaarado iyo gantaallo ku qaaday Israa’iil, waxayna qabsadeen markab xamuul bishii hore, laakiin weerarradii ugu dambeeyay waxay muujinayaan koror weyn oo khatar ah oo ku wajahan maraakiibta marra badda cas.

“Maanta, waxaa jiray afar weerar oo ka dhan ah saddex markab oo ganacsi oo kala duwan oo ka hawlgala biyaha caalamiga ah ee koonfurta Badda Cas,” Taliska Mareykanka ayaa qoraal ku sheegay Axaddii shalay.

Xuutiyiinta ayaa bayaan ay ku baahiyeen baraha bulshada ku sheegteen mas’uuliyadda weerarrada lagu qaaday maraakiibta Unity Explorer iyo Number 9.

Waxayna sheegeen in maraakiibtaasi laga leeyahay Israa’iil, weerarrada lagu hayo maraakiibta dalkaasna ay sii socon doonaan ilaa inta ay Israel gardarada ku hayso walaalaheenna ku sugan Qaza. ayaa lagu yiri qoraalka Xuutiyiinta.

Horseed Media