Mareykanka oo taageeray Qaraarkii Golaha Amniga Midowga Afrika ee Diidmada Muddo kororsiga

Published: April 23, 2021

War qoraal ah oo kasoo baxay Xafiiska Arrimaha Afrika ee u qaabilsanaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa lagu taageeray go’aanka Golaha Amniga iyo Nabadda Midowga Afrika uu uga hor yimid laguna cambaareeyay muddo kordhintii Golaha Shacabka Baarlamaanka wakhtigiisu dhamaaday u sameeyay Madaxweynaha mudo xileedkiisu isna dhamaaday Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Qoraalka ayaa lagu yiri “Waxaan taageersanahay go’aankii Golaha Nabada iyo Amniga ee Midowga Afrika ee lagu cambaareeyay muddo kordhinta ay toddobaadkii hore ansixiyeen Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya.

Sidoo kale qoraalka kasoo baxay Xoghayaha Arimaha dibadda gaar ahaan Kaaliyihiisa U qaabilsan Afrika ayaa lagu soo dhaweeeyay dhexdhexaadin uu sheegay in Midowga Afrika uu isugu soo dhaweeynayo dhinacyada Siyaasadda ee Soomaaliya.

Qoraalka ayaa gaba gabadii loogu baaqay Madaxda Soomaalida in ay heshiis ka gaaraan khilaafka doorashada taasoo ka dhigan in miiska wadahadalka dib loogu laabto.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *