Mareykanka oo Ukraine u fasaxay isticmaalka gantaalada ridada dheer

18 November, 2024

Maamulka xilka kasii dagaya ee Joe Biden ayaa markii ugu horeysay u fasaxay Ukraine inay adeegsan…

Maamulka xilka kasii dagaya ee Joe Biden ayaa markii ugu horeysay u fasaxay Ukraine inay adeegsan karaan gantaalada ridada dheer ee Mareykanka siiyo weeraradooda iyo duqeynta ay la beegsadaan gudaha dalka Ruushka.

Mareykanka ayaa horey Ukraine ugu fasaxay in gantaaladooda u isticmaali karaan oo kaliya furimaha dagaalka ee gudaha wadankaasi Ukraine.

Madaxweynaha Ruushka Putin ayaa horey uga digay arrintan, isagoo sheegay in Ruushka u arki doono dagaal toos ah oo ay kusoo qaadeen NATO, hadii ay Ukraine ku taageeraan gantaalada noocaan ah ee lagu duqeyn karo xarumaha xasaasiga ah ee dhulweynaha Ruushka.

Go’aankan uu qaatay Madaxweynaha xilka kasii dagaya ee Mareykanka ayaa ah mid sare usii qaadi karta xiisda dagaalka Ruushka & Ukraine, iyadoo Madaxweynaha xilka kala wareegaya ee Trump uu sheegay inuu xooga saari doono joojinta dagaalkaasi.

Gantaalada Mareykanka ee hada Ukraine ay heysato ayaa gaari kara ugu yaraan 300km, taasi oo fursad usii karta inay duqeyso boqolaal xarumaha militariga Ruushka iyo 16 kamid ah saldhigyada ciidamada cirka ee Ruushka.

Sidoo kale, wuxuu go’aankan kusoo beegmayaa xili Ruushka uu axaddii shalay duulaankii ugu balaarnaa ku qaaday xarumaha tamarta ee Ukraine.

Horseed Media