Mareykanka oo wada Qorshe lagu dhisayo ciidamo illaaliya Badda Cas

Published: December 6, 2023
Shares138

Maraykanka ayaa wada hadalo la yeelanaya xulafadiisa si loo dhiso ciidan illaalada badda cas ah oo ilaaliya maraakiibta.

“Sida aad shalay maqasheen… waxaan wada tashi kula jirnaa la-hawlgalayaasheenna iyo xulafadayada oo ku saabsan guddi hawleedka badda,” afhayeenka Pentagonka Patrick Ryder ayaa sidaa u sheegay saxaafada.

Lataliyaha Amniga Qaranka ee Aqalka Cad, Jake Sullivan, ayaa Isniintii ku dhawaaqay in Maraykanku uu wada-hadallo kula jiro dalal kale oo ku saabsan samaynta ciidan si loo xaqiijiyo marinka badda cas.

Xoogaga Xuutiyiinta Yemen ayaa todobaadyadii lasoo dhaafay sare u qaaday weerarada ay la beegsanayaan maraakiibta mara badda cas, gaar ahaan kuwa laga leeyahay Israel.

Horseed Media