Mareykanka oo xayiraad ku soo rogay 10 qof oo fududeynta dhaqaalaha & hubka u qaabilsan Al-Shabaab

Published: October 18, 2022
Shares38

Dowladda Mareykanka ayaa soo saartay liiska rag Soomaaliyeed oo waaxda maaliyadda Mareykanka ay ku eedeysay in kooxda Al-shabaab ay kala shaqeeyaan dhanka uruurinta dhaqaalaha iyo u fududeynta hubka, waxaana xayiraad lagu soo rogayaa shirkadahooda ama kuwa saamiga boqolkiiba konton ay ku leeyihiin.

Shaqsiyaadka kooxdu magacowday ayaa kala ah:

1-Khaliif Cadaale

2-Cabdullaahi Jeeri

3-Cabdikariin Xuseen Gaagaale

4-Cabdisamad “lama dhameystirin magacaan”

5-Cabdiraxmaan Nuurey.

Xubnahan magacyadoodu kor ku xusan yihiin ayaa ah kuwa kooxda Al-shabaab dhaqaalaha u uruuriya si lagu sheegay warka ka soo baxay Dowladda Mareykanka.

Sidoo kale waaxda Maaliyadda mareeykanka ayaa shaacisay magacyada afar xubnood oo kala ah:

1-Maxamed Xuseen Salaad

2-Axmed Xasan Cali

3-Maxamed Cali Badaas

4-Suleymaan Mataan

Kooxdan afarta ah waxa ay iyaguna kooxda u yihiin shabakad kala oo si weyn ugala shaqeysa hubka iyo tahriibka dhinaca Yemen.

Warkan kasoo baxay Mareykanka ayaa kusoo aaday xilli Dowladda Soomaaliya iyo dadka deegaanka oo is garabsanaya ay dagaalo kula jiraan kooxda Al-shabaab.

Horseed Media