Madaxweynaha Ukraine Zelenskkyy iyo Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa shir jaraa’id si wadajir ah qabtay kadib…
Madaxweynaha Ukraine Zelenskkyy iyo Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa shir jaraa’id si wadajir ah qabtay kadib markii ay saxiixeen heshiiska, waxayna calaamad u tahay tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo awoodda difaaca Ukraine iyada oo uu socdo duullaanka Ruushka.
Labada hogaamiye ayaa ka qeyb galaya shirkada dalalka G7 oo Khamiistii ka furmay dalka Italy.
Biden waxa uu carabka ku adkeeyay in nabadda waarta ee Ukraine ay asal ahaan ku xidhan tahay awoodda qaranka ay isaga difaaci karto khataraha hadda jira iyo in ay ka hortagto gardarro kasta oo mustaqbalka ah.
Ku dhawaaqista ayaa ku soo beegantay iyadoo ay socdaan wadahadalo u dhexeeya madaxda reer galbeedka oo ku saabsan sidii loo xaqiijin lahaa 50 bilyan oo dollar oo dayn ah oo la siinayo Ukraine.
Ukraine waxay horey heshiisyo amni oo laba geesood ah ula saxiixatay 16 dal oo kale, oo kala ah UK, Germany, Iceland, Denmark, Spain, Sweden, Norway, Portugal, Belgium, Latvia, Finland, Italy, France, Canada, Japan, iyo Netherlands.
Horseed Media