Mariiniska Puntland oo dayactir ku sameeyey Dugsiga H/Dhexe ee Bender-Ziada [Sawiro]

Published: February 13, 2012

Ciidamada badda ee Puntland ayaa dayactir ku sameeyey Dugsiga H/Dhexe ee degmada Bender-Ziada (Qaw) oo 25km dhinaca galbeed magaalada Boosaaso kaga beegan isalamarkaana maamulka degmadaas ku wareejiyey agab xafiiseed iyo qalab waxbarasho oo badan.

Munaasabadii dugsigaas xarigga looga jarayey, maamulka degmadaasina qalabka kula wareegayeen oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimey waxaa kasoo qayb galay mas`uuliyiin dowlada ka tirsan, Isimo iyo waxgarad deegaankaas kasoo jeeda, iyo marti sharaf kale oo badan.

Ugu horeyn waxaa munaasabadaas furay Caaqil Ciise Maxamed Ciise, wuxuuna ka warbixiyey taariikhda degmada Bener-Ziada (Qaw) isagoo sheegay inay tahay magaalo qadiimi ah oo la asaasay bartamaha qarnigii 16-aad haseyeeshee gumeysteyaashii talyaaniga iyo Ingiriisku ay amar ku bixiyeen in laga guuro maadaama ay ku taal goobtii xiligaas ay xuduudka ka lahaayeen dhulkii Soomaaliyeed ee Ingiriisku haystey iyo kii Talyaanigu ka ariminayey.

Duqa degmada Bender-Ziada Rashiid Xabiib Jaamac oo intaas kadib hadalka qaatay ayaa u mahad celiyey ciidamada badda ee Puntland oo uu sheegay inay waxqabad fiican degmada ka sameeyeen, wuxuuna dowlada ugu baaqay in maamulka degmada laga taageero sidii ay wax uga qaban lahaayeen jidka isku xira Boosaaso iyo Qaw oo meelaha qaar ka burbursan iyo sidii dhanka biyaha looga haqab tiri lahaa loona balaarin lahaa dugsiga hoose ee maanta xarigga laga jaray.

Taliyaha ciidamada ilaalada badaha ee Puntland Col. Cabdirisaaq Diiriye Faarax ayaa isna goobta ka hadlay, wuxuuna sheegay in markii la arkay baahiyaha degmada Bender-Ziada qabto ay ciidamada baddu garowsadeen inay qabtaan wixii ay awoodaan, wuxuuna intaas raaciyey in ciidanka baddu uu yahay mid mar walba u taagan horumarinta danta guud ee bulshada.

Cabdirisaaq Maxamed Maxamuud (Xidig) oo ah xiriiriyaha ciidamada badda iyo Puntland kana mid ahaa mas`uuliyiintii maanta kasoo qayb galay xafladii xariga looga jarayey dugsiga H/Dhexe ee degmada Bender-Ziada ayaa isna ka warbixiyey ujeedooyinka loo asaasay ciidamada badda ee Puntland kuwaas oo uu tilmaamay inay ugu muhiimsan yihiin:

– La dagaalanka Burcad-badeeda.

– La dagaalanka tahriibta iyo dhoofinta dadka.

Iyo la dagaalanka (Jiriifka) Maraakiibta sharci darada badaha uga kaluumaysta.

Mr Xidig wuxuu dhinaca kale mahad balaaran usoo jeediyey dowladda Imaaraadka Carabta oo iyadu Puntland ku tageertay sidii ay ciidan badeed u yeelan lahayd islamarkaana bixisa kharashka iyo qalabka ay ciidamadaas oo ah kuwi si heer sare ah u tababarani ku howl galaan.

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda gaadiidka badda, dekedaha, iyo la dagaalanka Burcad-badeeda ee Puntland Eng. Maxamed Ciise Cali (Lacle) oo isagu munaasabadaas soo xiray ayaa ugu baaqay bulshada deegaanka Bender-Ziada inay ciidamada badda la shaqeeyaan maadaama ay iyaguba horumarkooda ka shaqeynayaan.

Eng. Lacle wuxuu isaga oo hadalkiisa sii wata sheegay in ciidamada badda ee Puntland ay yihiin kuwo aan ku koobnayn ilaalinta xeebaha balse ay howshoodu tahay sidii ay u ilaalin lahaayeen danta guud ee bulshada isagoo xusay inay kasoo qayb qaateen adeegyo badan oo bulshada wax ku ool u ah.

Si kastaba ha ahaatee dugsiga maanta xarigga laga jaray oo ahaa mid burbursan kadib markii ay dabaysha xagaagu saqafka kala tagtay ayaa waxaa dayactir balaaran ku sameeyey ciidamada badda ee Puntland oo iyaga xaruntooda ugu weyni ay ku taal meel u dhow degmada Bender-Ziada.

Bender-Ziada oo dadka qaarna ay u yaqaaniin magaca Qaw waa deegaan qadiim ah oo la asaasay qarnigii 16-aad, waxayna 25km dhinaca galbeedka kaga beegan tahay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Horseed Media

Boosaaso