Marka – Shabaab oo weerartay ciidamadda badda Soomaliya

Published: October 22, 2019
Xeebaha Soomaaliya

Al-shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda dooni ay la socdeen ciidamadda 14- October ee Dowladda Soomaaliya, taasi oo habeenadii Isniinta ku degtay xeebta u dhaxaysa magaalooyinka Muqdisho iyo Marka.

Warbaahinta taageerta Shabaab ayaa lagu daabacay ” in dagaalyahano ka tirsan Shabaab ee ka dagaalama dhanka badda ay baasuuke ku dhufteen doonta, islamarkaana sidaas ku dagtay.”

” Shabaab  ayaa weerar kamiin ah badda gunteeda ugu dhigay Ciidamo katirsan Dowladda xiili ay Doon ku safrayeen Alle fadligiis waxaa suurtagashay in Baasuukayaal ay lahelaan doonta taas oo sababtay in ay rogmato ”

Warka kasoo baxay Al Shabaab.

Naaquudihii doonta ayaa kamid ah dadka badbaaday balse waxaa dhintay illaa Afar askari oo katirsan guutada 14-ka Oktoobar, iyadoona askarta qaar oo biyaha badda ku haftay lasoo badbaadiyay, ayay shabaab hadalkooda ku dareen.

Marka laga yimaado war ka yimi Shabaab ma jirto wax hadal ah oo kasoo baxay dhanka Dowladda Soomaaliya oo loogu hadlaay doonta dagtay.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *