Markab Shidaal oo Iran leedahay oo bada China ku gubtay

Published: January 7, 2018

Markab Shidaal sida oo laga leeyahay dalka IRAN ayaa ku gubtay bada wadanka China kadib markii uu ku dhacay Markab kale oo xamuul siday.

Shilkan ayaa la sheegay in xalay uu ka dhacay meel 300km u jirta xeebta magaalada Shanghia.

Waxaa weli la baadi goobayaa dhamaan shaqaalihii saarnaa markabkaasi oo gaaraya 30 u dhashay intooda badan wadanka IRAN. Markabkan ayaa shidaalka u waday wadanka Kuuriyada Koonfureed.

Markabkan looyaqaan Sanchi ayaa la sheegay inuu weli gubanayo, waxaana laga cabsi qabaa in shidaalka saaran oo bada ku daata uu keeno khasaaro baaxadleh oo soo gaara xeebta dalkaasi China.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *