Markabka Ganacsiga ee Basilisk Oo Laga Soo Badbaadiyey Burcadbadeeda

Published: May 24, 2024
Shares32

Hawlgalka Atalanta ee Midowga Yurub ayaa maanta ku dhawaaqay in lagu guuleystay xoreynta markabka ganacsi ee Basilisk oo sitay calanka Liberia iyo 17-shaqaale ah oo la socday kadib markii koox burcad badeed ah isku dayeen in ay afduubtaan xilli uu marayay badweynta Hindiya.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka, Basilisk waxaa weeraray kooxo looga shakisan yahay inay burcad-badeed yihiin Khamiistii, May 23-keedii, xilli ay marayeen meel qiyaastii 380 mayl-badeed bari ka xigta Muqdisho, Soomaaliya iyada oo markabku ku sii jeeday woqooyiga. Hal qof oo ka mid ah shaqaalaha markabka ayaa ku dhaawacmay weerarka, waxaana lagu soo waramayaa in xaaladeeda wanaagsan tahay kadib markii ay daryeel caafimaad ka heleen kooxda Atalanta.

Wararku waxay sheegayaan in habeenkii xalay Burcdbadeedu ay ka degeen markabka kadib markii ay khatar weyn dareemin, waxaana la dhaawacmey hal nin.

Markab dagaal oo ay leedahay Atalanta oo roondo ka waday aaggaas ayaa jawaab ka bixiyay habeenimadii Khamiista, iyadoo ciidamada fuulay markabka ganacsi ay adeegsadeen farsamo argaha looga daato diyaaradaha qumaatiga u kaca si ay u sugaan markabka.

Dhacdadani waxa ay hoosta ka xariiqday khatarta sii socota ee burcad-badeedda ee gobolka badweynta Hindiya. Hawlgalka Atalanta waxa uu ku booriyay maraakiibta ganacsiga iyo maraakiibta kale ee nugul in ay iska diiwaan galiyaan Qorshaha Diiwaangelinta Iskaa wax u qabso ee Xarunta Amniga Badda si ay awood ugu yeeshaan la socodka iyo wax ka qabashada khataraha amniga badda.

Hawlgalka Atalanta waa howlgalka ciidamada Midowga Yurub ee ka dhanka ah burcad badeeda Soomaalida, waxaana la bilaabay sanadkii 2008-dii, waxaana howlgalkan uu ka shaqeynayaa ilaalinta gaadiidka badda iyo saadka raashinka ah ee loo wado shacabka Soomaaliyeed, sidoo kale waxaa uu ka hortagayaa isla markaana carqaladeynayaan burcad badeedda gobolka.

HORSEED MEDIA