Masar, Itoobiya iyo Sudan oo markale ku heshiin waayey wadahadalkii Biyo Xireenka

Published: November 5, 2020

Wasiirada Biyaha u qaabilsan dalalka Masar, Itoobiya iyo Sudan oo Arbacadii shalay shir ku yeeshay khadka internetka ayaa ku heshiin waayey qaabka loo maareyn doono muranka ka taagan Biyo Xireenka Itoobiya dhistay.

Qoraal kasoo baxay dhinaca Masar ayaa lagu sheegay in sadexda wadan ay isku afgaran waayeen habka loo maamulayo Biyo Xireenka Itoobiya, gaar ahaan maareenta biyaha wabiga Nile.

Masar iyo Sudan ayaa walaac ka qaba in Biyo Xireenka Itoobiya uu saameyn ku yeesho biyaha ay iyagu isticmaalaan ee wabiga.

Wadahadalkan oo ay garwadeen ka yihiin Midowga Afrika ayaa marar badan dib u dhac ku yimid.

Waxaa horey u dhacay shirar hore balse waxay ku heshiin la’a yihiin wadamadan Qoraalka sharciga ah ee la doonayo in lagu maareeyo Biyo Xireenka.

Dalalkan ayaa lagu wadaa inay dhawaan mid walba si gaar ah usoo diyaariyo qaabka ay doonayaan in Biyo Xireenka loo maamulo iyagoo u gudbin doona dowlada Koonfur Afrika oo xiligan heysa guddoonka Midowga Afrika.

Biyo Xireenkan oo dhismahiisa Itoobiya uga baxday $4bilyan oo dollar ayaa xiisada ka dhalatay laga cabsi qabaa inay mustaqbalka isu bedasho dagaal dhexmara dalalkaasi.

Maxamed Cismaan
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *