Masar iyo Israel oo heshiis ku saabsan gaaska dabiiciga ah la galay Midawga Yurub

Published: June 16, 2022

Dawladaha Masar, Israel iyo ururka Midawga Yurub ayaa kala saxeexday heshiis la xidhiidha gaasta dabiiciga ah ee wax lagu karsado, taasoo qorshaha heshiiskani yahay in dalka Israel uu gaasta dabiiciga ah u dhoofiyo suuqyada dalalka Midawga Yurub, iyada oo la sii marinayo laba wershadood oo ku yaalla dalka Masar.

Heshiiskan ayaa qalinka lagu duugay intii lagu guda jiray kulanka Madasha Bariga badda Mediterranean-ka, kaas oo ka dhacay caasimadda dalka Masar ee Qaahira, waxaana ujeedada shirkani uu ahaa in la ballaadhiyo iskaashiga dhinaca gaasta dabiiciga ah ee u dhexeeya dalalka Masar, Israel iyo ururka Midawga Yurub.

Sayid Sadek oo ah aqoonyahan u dhashay dalka Masar oo ku takhasusay cilmiga bulshada ayaa VOA u sheegay in ku dhawaaqista heshiiskan uu rasmi ka dhigayo iskaashi soo socday muddo bilo ah oo u dhexeeyay saddexdan dhinac.

Sadek waxa kale oo uu sheegay in Maraykanku uu hadda isku dayayo in uu ka odayeeyo xal u helidda muranka ka taagan dhul-badeedka ee u dhexeeya Israa’iil iyo Lubnaan, halkaas oo ay ku jiraan gaas aad u tiro badan, waxaana hindisuhu uu yahay in haddii xal laga gaadho, in lagu daro heshiiskan lala galay Midawga Yurub.

TV-ga Aljazeera ayaa sheegay in Ruushku uu jaray Gaastii dabiiciga ahayd ee uu u dhoofin jiray dalalka Yurub, maalinimadii Arbacada, taas oo calaamad u ah, sida Ruushku uu uga xun yahay heshiiskan lagu saxeexday magaalada Qaahira.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *