Masar oo soo jeedisay xabbad-joojin laba maalmood ah ee dagaalka Gaza

Published: October 28, 2024
by: Mohamed Osman

Masar ayaa soo jeedisay xabbad-joojin laba maalmood ah oo ka dhacda Gaza si afar ah la haystayaasha Israa’iil ee Xamaas heysato loogu beddelo qaar kamid ah maxaabiista Falastiiniyiinta.

Hoggaamiyaha Masar Abdel Fattah al-Sisi ayaa ku dhawaaqay hadalkan iyadoo dadaallo lagu doonayo in lagu qaboojiyo dagaal Gaza ay dib uga billaabanayaan dalka Qatar, waxaana ka qeyb qaadanaya agaasimayaasha sirdoonka Mareykanka CIA-da iyo hay’adda sirdoonka Israa’iil ee Mossad.

Ma jirto wax hadal ah oo ka soo baxay Israa’iil iyo Xamaas.

Israa’iil ayaa horey u sheegtay in dagaalka uusan dhammaan doonin ilaa Xamaas laga baabi’iyo cududooda militari iyo maamul.

Halka Xamaas ay horey u sheegtay inaysan aqbali doonin xabad joojin kooban, balse ay doonayaan in dagaalka la wada joojiyo, ciidamada Israa’iilna isaga baxaan dhulka Gaza.

Maraykanka, Qatar iyo Masar ayaa garwadeen ka ahaa wada-xaajoodyada lagu soo afjarayo dagaalka Gaza oo intooda badan fashil kusoo dhamaaday.

Xasuuqa Israa’iil ka geysatay Gaza ayaa lagu dilay in ka badan 43,000, iyadoo dhaawaca uu ka badan yahay 150 kun.

Horseed Media