Mashruuca Caafimaadka Dhimirka Dhallinyarada oo Muqdisho lagu Daahfuray

Published: March 13, 2020

Mashruucan oo loogu talogalay in sare loogu qaado adeega caafimaadka dhimirka ee dhallinyarada Soomaaliyeed ee ay qalalaasuhu saameeyeyn ayaa waxaa iska kaashanaya Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya iyo hey’adaha Qaramada Midoobay, waxaana mashruucan oo ay maalgelineyso Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Nabadda  ee loo yaqaano (UN Peace building) uu socon doona muddo 15 bilood ah, waxaana laga fulin doonaa dalka oo dhan.

Wakiilada ka socday Hey’adaha Qaramada Midoobay oo madasha ka hadlay  ayaa ballan qaaday in ay Wasaaradda caafimaadka kala shaqeyn doonaan sidii wax looga qaban lahaa cudurada dhimirka.

Prof. Cismaan Maxamuud Maxamed Dufle oo kamida guddiga horumarinta adeega bulshada ee Aqalka Sare ayaa sheegay in cudurada dhimirka ay sabab u yihiin marxaladaha adag ee uu dalku soo maray, laakiin hadda ay jirto rajo badan oo ku aadan in wax weyn laga qabto cudurka dhimirka oo baaritaan la sameeyay lagu ogaaday inuu dalka kusoo batay.

Wasiirka caafimaadka Soomaaliya Drs Fowsiya Abiikar Nuur ayaa sheegtay in ay aad u badanyihiin dhallinyarada qaba cudurada dhimirka, loona baahananyahay in wax ka qabashadiisa meel looga soo wada jeesto si loo badbaadiyo mustaqbalka dalka.

Ugu dambeyn Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Drs Fowsiya Abiikar Nuur iyo Dr Rizwan Hamayun oo ka socday hey’adda caafimaadka Aduunka ee WHO ayaa si rasmi u daahfuray mashruuca adeega caafimaadka dhimirka dhallinyarada Soomaaliyeed ee ay qalalaasuhu saameeyeyn kaas oo laga fulin doono dalka oo dhan.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *