Masjid ku yaala Dhuusamareeb oo dab la qabadsiiyey

Published: August 16, 2023
Shares98

Habeenkii xalay waxaa dab la qabadsiidey Masjid ku yaala magaalada Dhusamareeb ee xarunta Galmudug.

Dhammaan agabkii masjidkan yaaley oo ay kujireen kutubtii qur’aanka ayaa la gubey, waxaana culimada masjidku ay sheegeen in ay dhowr jeer hore la kulmeen hanjabaadyo iyo dhagax tuur lagu hayey jameecada masjidka.

Waxaa la aaminsan yahay in koox abaabulan ay masjidka gubeen kuwaas oo aan weli la aqoonsan haytooda, sidoo kale waxaa la aaminsan yahay in ay salka ku hayso arrimaha dariiqooynka suufiyada ee kala geddisan.

Masjidka la gubey ayaa qayb ka ah xarumaha hoostaga dariiqada Axmadiyadda.

Horseed Media