Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Karkaar oo deegaanka Baar-madow lagu weeraray

Published: February 4, 2012

Kooxo Burcad-badeed ah ayaa maanta ka afduubtay agagaarka deegaanka Baar-madow ee gobolka Karkaar gaari nooca raaxada ah oo ay wateen saraakiil ka tirsan hay`adda DAI iyo maamulka gobolka Karkaar kuwaas oo kusii jeeday degmada Bender-Bayla.

Kooxaha afduubka geystey oo ka yimid dhinaca degmada Xaafuun ayaa soo weeraray labo gaari oo ay wateen mas`uuliyiin uu kamid yahay gudoomiye ku-xigeenka gobolka Karkaar Yoonis Cali Faarax iyo saraakiil ka tirsan hay`adda DAI oo safar shaqo ugu baxay degmada Bayla kana tegey degmada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar.

Duqa degmada Bayla Siciid Aadan Cali Ateeno oo Horseed Media waraysi gaar ah siiyey ayaa sheegay in falkaasii uu dhacay waxyar kahor salaada casarka ee wakhtiga gobolka geeska Africa, isagoo intaas ku daray in ragga weerarka soo qaaday oo aad u tira badnaa ay israsaaseeyeen ilaaladii wefdiga haseyeeshee ay markii danbe iyagu awood bateen.

Siciid Ateeno wuxuu intaas ku daray in Burcadii weerarka soo qaaday ay la hareen labada gaari midka danbe oo ay dhowr askari oo wefdigaas ilaalo u ahaa saarnaayeen haseyeeshee gaarigii hore oo ay mas`uuliyiintu la socdeeni uu kasoo baxsaday, wuxuuna intaas raaciyey in ay la aadeen dhinaca Xaafuun kadib markii ay ka dejiyeen ilaaladii wefdigaas la socdey oo 4-nin ahaa.

Duqa degmada Bayla ayaa ugu danbeyntii sheegay in ay soo dhoweeyeen gudoomiye ku-xigeenka gobolka Karkaar iyo 3-qof oo kale kuwaas oo kasoo baxsaday kooxdii Jirri badeeda ahayd ee soo weerartay isagoo hadalkiisa kusoo afmeeray in xaaladooda caafimaad ay aad u wanaagsan tahay wax dhibaato ahina aysan kasoo gaarin weerarkii lagu soo qaaday.

Lama oga ilaa iyo hada sababta rasmiga ah ee ka danbeysa weerarka ay kooxdaas Burcad badeeda ahi kusoo qaadeen wefdiga ay gaariga ka qabsadeen ee kusii jeedey dhinaca degamda Bender Bayla, waxaase loo badaninayaa in uu damac ka galay gaadiid ay xubnahaasi wateen oo ah nooca raaxada Land-Crusier nooca ee ay Soomaalidu (Layla-Calaawida) u taqaan.

 

Horseed Media